Wednesday, January 15, 2025
HomeWararDuqa Muqdisho Oo Mamnuucay in La,iskugu Yimaado Hoteelada Muqdisho.

Duqa Muqdisho Oo Mamnuucay in La,iskugu Yimaado Hoteelada Muqdisho.

Kulanka Todobaad laha ah Ee Maamulka Gobolka Banaadir Oo uu Gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa Waxaa Looga Hadlay Arimo ay Kamid yihiin Xoojinta Amaanka Caasimada iyo Kahortaga Caabuqa Saamaynta Ba,an Kuahaya Caalamka Ee Coronavirus.

Kulanka ayaa Waxaa War-bixino Looga Dhagaysta Hay,adaha Amaanka waxaana Gudoomiyaha uu Mamnuucay in Wax kulamo ah La,iskugu imaan karo Hoteelada Waawayn Ee Magaalada Muqdisho Si gooni ah waxaa Xooga Loosaaray Hoteelada Kuyaala Xeebta Liido oo Busho Badan ay Kucaweeyaan.

Gudoomiyaha ayaa Faray Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Hay,adaha Amaanka in ay u istaagaan sidi loodhaqan galin lahaa Amarkaasi si looga hortago COVID-19.

Qoraal Kooban Oo Kasoobaxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Lagu Yiri:-

”Iyadoo aynu ognahay in Caabuqa COVID19, si sahlan la isugu gudbin karo, isla markaana aynu wadno Wacyigelin ku aadan ka hortaga Caabuqa, horeyna loo fasaxay Iskuulada dalka si loo yareeyo isu imaatinka Bulshada, ayaa waxaa caawa soo saarnay Amaro ku aadan in la yareeyo isku imaatinka Hoteelada iyo Maqaayadaha Muqdisho”.

QORAALADA LA XIRIIRA

288 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe