Friday, April 18, 2025
HomeWararAKHRISO:- Madaxweynaha K/Galbeed oo magacaabay Guddoomiyaha Sh/Hoose

AKHRISO:- Madaxweynaha K/Galbeed oo magacaabay Guddoomiyaha Sh/Hoose

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa warqad ka soo baxday xafiskiisa wuxuu ku magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warqada oo baxday shalay oo Taariikhdu ay ku beegneyd 20-ka May 2018-ka ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay Maxamed Ibraahim Barre.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in magacaabistan ay timid kadib markii uu dhageystay talo soo jeedinta Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed iyo in ay muhiim tahay in la dardar geliyo howlaha ka socda gobolka.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ee xilka laga qaaday ayaa waxaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoos Ka Akriso Warqadda:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe