Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa racfaan ka qaatay xukunnadii maxkamadda gobolka Banaadir kasoo baxay, kaasoo dambi loogu waayay qaar kamid ah masuuliyiintii lagu eedeeyay musuq maasuqa iyo ku tagri fal awoodeed.
Qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa lagu sheegay, inuu xafiisku isku dubariday racfaanka uu ka qaatay xukunnada ay maxkamaddu ridday todobaadkii hore.
Xukunkaas ayaa qeyb kamid ah masuuliyiintii loo haystay musuq maasuqa, waxaa lagu sheegay in lagu waayay wax dambi ah, halka qaar kalena lagu xukumay xabsiyo dhaadheer, iyo in Dowladda aysan shaqo ka qaban karin.
Warka kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa kusoo beegmay, iyadoo qaar kamid ah masuuliyiintii dambiga lagu waayay ay weli xiran yihiin, arrintaas oo ay cabasho kasoo saareen qareenada iyaga u doodayay.
Shariciyaqaanada ayaa sheegaya in xitaa hadii racfaan laga qaadanayo kiiskan ay ahayd in masuuliyiinta la sii daayay si laga sii daayo xabsiga oo iyaga oo banaanka jooga racfaanka laga qaato.
Arrinta la yaabka leh ayase a ah in wali aan lasii deynin xubnihii xoriyadooda la amray in dib loogu celiyo maadaama lagu waayay dhamaan eedihii loo heystay.
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Khamiistii xukuno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo ka kala howlgalayay hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo loo haystay musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne.
Raggan oo isugu jiray, agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale caadi ah ayaa 5 kamid ah oo danbi lagu waayay la amray in lasii daayo, halka 6-da kalena oo la xukumay dib loogu celiyay xabsiga.
Xubnaha wali aan xoriyadooda helin waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali (Suldaan) oo ahaa agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, kaas oo xilka laga qaaday inta uu xirnaa iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo xilkaas uga horeeyay.
Maxkamadda ayaa horey u amartay in dadka dambiyada lagu waayay loosoo celiyo xorriyadooda, balse ma aysan dhicin, waxaana xusid mudan in qaar kamid ah kuwa dambiyada lagu waayay ay dowladdu horey uga qaaday xilalkoodii, iyadoo dad kale loo magacaabay.


