Saturday, May 2, 2026
HomeWararDibaddaDuqa Muqdisho oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug

Duqa Muqdisho oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa magaalada Dhuusamareeb waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Galmudug Cali Daahir Ciid, qaar ka mid ah Xildhibaannada maamulka Galmudug iyo madax kala duwan.

 

Guddoomiye Madaale ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaadan doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamud kaas oo la xariira dardargalinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa Madaxweynaha kala hadli doona, sida uu maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka reer Muqdisho ay u garab taagan yihiin geesiyaasha Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe