Monday, June 1, 2026
HomeWararGudahaYuusuf Dabageed iyo Guddoomiyaha cusub ee Hiiraan oo Odayaal la kulmay

Yuusuf Dabageed iyo Guddoomiyaha cusub ee Hiiraan oo Odayaal la kulmay

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) uu wehliyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan loo magacaabay Cabdullaahi Axmed Sufurow ayaa la kulmay qaar kamid ah Odayaasha Baladweyne.

Kulanka ayaa looga hadlay xiisada ka taagan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne, taa oo ka dhalatay xil ka qaadistii madaxweynaha Hirshabelle ku sameeyay guddoomiyihii Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle ayaa odayaasha uu la kulmay ka codsaday in xaalada magaalada dejiyaan, waxa uuna ka dalbaday in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan.

Xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiye Cali Jeyte ayaa xiisad ka abuurtay gobolka Hiiraan , Cali Jeyte ayaana si cad uga soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay, waxa uuna cadeeyay in ay ka baxeen Hirshabelle lana baxeen Hiiraan State.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe