Waxaa soo baxaya cabasho ay qabaan xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan soo gudaneysa acmaasha Xajka, iyagoo cabasho ka qaba adeegxumada dhinaca hoyga iyo gaadiidka ah, xilli ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay arrimahaasi ka horgayso oo shirkadaha xujeyda daabulay la kormeerayo.
Qaar kamid ah Xujeyda oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka ay wajahayaan, iyagoo sheegay in xili Xajka uu bilow yahay ay wajahayaan caqabado fara badan, waxeyna quus ka muujiyeen sida ay ula dhaqmayaan mas’uuliyiinta wasaarada diinta iyoa wqaafta iyo gudiga xamlada ee arrimahaasi loo xilsaaray.
Mid kamida Xujeyda waxa uu sheegay iney jirto gaadiid xumo baahsan iyo hoy la’aan isagoo sheegay in 11,500 Xujey ah loo sheegay iney isticmaalaan 8,000 oo joodaari, wuxuuna shaaciyay ineysan garaneynin sidey isu gaarsiin lahaayeen.
Arrimaha argagaxa leh ayaa ah in mid kamida Xujeyda Soomaalida uu ku geeriyooday dalkaasi Sucuudiga, halka laba kalena ay dhaawacyo la il-daran yihiin kadib markii uu jiiray gawaari, maadaama ay waayeen guddigii hagi lahaa.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta xukuumada Soomaaliya Mukhtaar Roobow oo laga filayay inuu wax ka qabto arrintan ayaa si jees jees ah Xujeyda ugu sheegay ineysan meesha raaxo u iman, hadalkaas oo niyad jab ku abuuray Xujeyda.
Inta lagu sugan yahay Mina iyo Carafo ayey Xujeyda sidoo kale wal wal ka muujinayaan cuntadii ay cuni lahaayeen, waxeyna madaxda sare ee dowladda ka dalbadeen iney soo fara geliyaan arrintan.