Dagaal caawa ka dhacay Kismaayo

0
277

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaanyo ee xarunta KMG ee Maamulki Jubbaland ayaa sheegay in caawa uu halkaasi ka dhacay dagal u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan darawiishta Maamulka jubaland

Dagaalkaan ayaa salka ku haayay sida ilo kusugan kismaanyo ay noo xaqiijiyeen muran dhul oo mudooyinkii dambe la isku haystay iyadoona Ciidamada ay markii danbe la kala safteen beelaha isku haya dhulka.

Ilaha xogtaan aan ha kelnay waxaa ay noo sheegeen in labada ciidan ee dagaalamay uu jiro khasaare soo kala gaaray daqiiqado uu dagaalkoodu socday kadibna la soo kala dhax galay.

Magaalada kismaayo ayaa Mudooyinkii danbe waxaa kusoo badanayay Is qab qabsiga dhulalka iyo iska hor imaadka ciidamada ka wada tirsan maamulka waxaana madaxda Jubbaland ay marar badan ku celceliyeen arintaan ay wax ka qaban doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here