Wednesday, January 22, 2025
HomeWararGudahaMaamulka Gobolka Banaadir oo Digniin Culus kasoo saaray Arrinta Musuqa

Maamulka Gobolka Banaadir oo Digniin Culus kasoo saaray Arrinta Musuqa

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo in si adag loola xisaabtami doono xafiis kaste oo ku kaca musuq iyo wax isdabamarin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)ayaa faray Aggaasinka kala duwan iyo howl wadeenada Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir in ay ka fogaadaan falkaste oo musuq la xariira.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay soo gudbiyaan falkaste musuq maasuq la xariira oo ay kala kulmaan adeegyada uu buxiyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose Xamar.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey ugu dhawaaqday inay si adag ula dagaalami doonaan cid kasta oo ku kacda fal la xiriira Musuq-Maasuqa, waxaana xusid mudan in mas’uuliyiin loo xiray arrinta musuqa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe