Home Dhageysi XOG:-Safaarada Soomaaliya Ee Uganda Oo Al-baabadii la,iskugu Dhuftay.

XOG:-Safaarada Soomaaliya Ee Uganda Oo Al-baabadii la,iskugu Dhuftay.

395

Safaarada Soomaaliya Ee Dalka Ugandha ayaa Kudhawaaqday in ay Shaqadii joojisay Kadib Amar kasoo baxay Dawlada Ugandha.

Amarkaan lagu Xiray Safaarada Soomaaliya Ee Dalka Ugandha ayaa Laxariira Kahortaga Coronaviris iyada oo Dawlada Ugandha ay sidookale Mamnuucday isku imaatinka ayna Fasaxday goobaha Waxbarashada.

War Kasoobaxay Safaarada Soomaaliya Ee Ugandha ayaa Lagu shaaciyay Shaqa joojinta Waxaana Lagu yiri:-

“Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaddoo ka duuleysa ka hortagida cudurka dhibaatada ba’an ku haya aduunka oo dhan ee Covid-19 soona gaaray dalka Uganda, oo illaa iyo hadda laga helay 14 qof”.

“Safaaradda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyaddoo ilaalineysa badqabka muwaadinka Soomaaliyeed ee sidda joogtada ah ugu xiran safaarad” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Iyaddoo la tixgelinayo awaamiirta dowlada Uganda ee martida aanu u nahay in la joojiyey muddo 14 cisho ah dhamaan gaadiidka dadweynaha oo muwaadiniinta Soomaaliyeed safaarada ku imaan jireen sidda taksiyada, Basaska iyo Bajaajta,” ayaa la raaciyey qoraalka.

“haddaba safaaradda Soomaaliya ee Uganda waxay hakisay shaqooyinka muddo 14-cisho ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Todobaadkii tagay ayay aheed Markii Al-baabada la iskugu dhuftay Saafaradihii Soomaaliya ay kuleheed Kenya iyo Hindiya Sababo Laxariira Caabuqa Corona Oo Fara Ba,an kuhaya Caalamka.