Waxaa Kororta tirada dadka u dhintay iyo kuwa uu soo ritay cudurka khatarta badan ee COVID-19 caalamka Oo dhan Sida lagu shaaciyay Warbixin ay Maanta Daabacday jaamacadda Johns Hopkins.
Warbixinta ka soo baxday Johns Hopkins ayaa Waxaa lagu sheegay in tirada dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus dalka Mareykanka ay gaartay in ka badan 104,000, dhimashadana ay kor u dhaaftay illaa 1,700, taas oo dhimashada guud ka dhigaysa 27,360.
Sidoo kale Warbixinta ayaa lagu sheegay in tirada ugu badan ee dhimashada cudurkaan ay dhacday dalka talyaanig.
Spain ayaa sidoo kale dhankeeda 24-kii saac ee la soo dhaafay diiwaan-gelisay illaa 769 dhimasho ah, taas oo ka dhigeysa tirada guud ee dhimashada dalkaas 4,858 oo qof.
Dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka ugu horreeya ee uu cudurku ku hayo halis badan, waxaana dowladda dalkaasi ay shaacisay dhimashadii ugu horreysay ee Corona.
Sidoo kale wadamada Kenya, Uganda iyo Jabuuti ayaa laga soo warinayaa kiisas cusub oo la xariira cudurkaasi sida fudud ku faafa.
Ugu dambeyn Soomaaliya oo iyana la xaqiijiyey illaa saddex kiis ayaa dhankeeda haatan wada dadaallo xoogan oo ay uga hortageyso faafitaanka cudurkaan.