Home Dhageysi IMF Miyay Somaliland U Aqoonsatay Dal Madax Banaan?

IMF Miyay Somaliland U Aqoonsatay Dal Madax Banaan?

525

Sida ku cad Warbixin laxariirta Arimaha Dayn cafinta Soomaaliya oo ay Daabacday Hay,ada Lacagta Aduunka Ee IMF Kama Mid ahan Soomalilad Dalka Soomaaliya Waxaana Arintaasi Sharaxaad Kabixiyay Qaar kamida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Mahd Salaad Oo Kamid ah Xildhibaanada Aqalka Hoose Ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca Kaqaday in Ladoonayo in lakala gooyo Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Xildhibaanka oo Arintaani uga Hadlay Qoraal uu Kusoo daabacay Bartiisa Facebook ayaa Waxa uu yiri:-

“Dokumentiga ka soo baxay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ee ku saabsan barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya waxaa ku cad in Somaliland aysan ka mid ahayn Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Sida ku cad qodobada 1aad iyo 7aad ee dastuurka: Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka oo idil. Gobannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma-xadgudbaan.

Sidaas daraadeed, dalka in la kala gooyo waa qiyaamo qaran. Deyn cafina kuma badalan karno midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waana arin halisteeda leh ee halla weydiiyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxa ay ka ogyihiin arintaan?”