Bayaan kasoo baxay dowladda Kenya ayaa faah faahin looga bixiyay toogashooyin Al shabaab ay fuliyeen Bishii October ee la soo dhaafay, kuna dileen Tobanaan Soomaali Ajaaib u badanaa.
Taliska Sirdoonka Kenya baaritaan uu sameeyay, isaga oo gacan ka helaya Hay’adaha Sirdoonka Mareykanka iyo UK ee CIA & MI6, ayaa waxuu kusooo ogaaday in bishii tagtay laba mar ay fuliyeen Xoogaga Alqaacidda ee Soomaaliya dilal lagu fuliyay rag u badnaa ajaanib.
Sirdoonka Kenya ayaa sido kale sheegay raga la toogtay inuu kamid ahaa Cawaale Axmed Maxamed oo Soomaali ah heystayna dhalashada UK horayna kaga mid ahaa Al shabaab.
Raga toogashada la kulmay ayaa da’dooda u dhaxeysay 22 ilaa 36 jir,waxaana qeybta 1aad la toogtay 10kii October halka qeybta labaad la toogtay 12kii October laguna hor dilay boqolaal dadka shacab ah oo ku nool Magaalada Saakow oo gacanta ay ku hayaan Xarakada Al shabaab.
Dhanka kale Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in xubno Kenyaan ah oo ka baxsaday Al-shabaab ay xaqiijiyeen in weerarrada isqarxinta ah iyo Ciidamada lugta ee dagaalka gala badanaa Al-shabaab u adeegsato dadka ajannabiga ah si loo yareeyo saameynta ay ku dhex yeelan karaan Ururka loona hubiyo heerka daacadnimadooda, maadaama looga baqayo falal la xiriira Basaasnimo.
War bishii hore lagu baahiyay Warbaahinta Xarakada Al shabaab ayaa lagu sheegay in la toogtay dhowr rag oo jawaasiis u ahaa wadamada Rer Galbeedka iyo dowladdaha Kenya iyo Somaaliya.

