Xilli Maalmihii dambe Ay Soo Baxayeen warar Sheegay in Dawladda faderaalka Ah Ay fara-gelin Ku Heyso Arrimaha Siyaadeed Ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Arrinkaasi Waxaa Beeniyey Qaar Ka Mid Ah wax-garadka Kasoo Jeeda deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliyeed.
Suldaan Saciid Sheekh Max’ed Oo Ka Mid Ah Wax-Garadka Koonfur Galbeed Balse hadda Ku Sugan Gudaha Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ayaa Beeniyey Fara-gelinta La Sheegay In dawladda Soomaaliya Ku Heyso Arrimaha Doorashooyinka Koonfur Galbeed.
Suldaanka Waxa Uu Tilmaamay In Aysan Jirin Wax Fara-gelin Ah Balse Wararka La Sheegayo Ee La Xariira Fara-gelinta Ay Yihiin Kuwa Ay Dabada Ka Riixayaan Siyaasiyiin kasoo Jeeda Deeganada Koonfur Galbeed.
Dhinaca Kale Suldaan Saciid Waxa Uu Eedeyn Kulul Dusha Kaga Tuuray Madaxweynaha Mamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaga Oo Ku Eedeyey In Shacabka Koonfur Galbeed Uu Kasii Jeedinayo Xil-gusha La’aanta Heysta.
Waxa Uu Sidoo kale Sheegay Khilaafka Kala Dhaxeeya dawladda Dhexe Ee Dalka Uu Kaligii Ku Yahay Shariif Xasan Isla-markaana Aany Jirin Cid Ku raacsan Arrinkaa Oo Ka Mid Ah Shacabka Koonfur Galbeed Wixii Ka Yimaadana Uu Isagu Mas’uuliyadiisa Qaadayo.
Hadalka Suldaan Saciid Sheekh Max’ed Ayaa Waxa Uu Imaanaya Xilli Maalmihii dambe Ay Soo Baxayeen Warar Sheegaya In Xukuumadda Muqdisho fara-gelin qaawan Ku Heyso Siyaasadaha Gaarka Ah Ee Maamulka Koonfur Galbeed..
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Suldaanka Oo Dhameystiran:-