Garoonka Diyaaraha OSHACO ayaa hadda waxaa ka soo dagay wafdi uu hogaaminayo Sanator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Gudoomiyaha dib u eegista Dastuurka Labada aqal ee baarlamaanka Soomaliya.
Wafdiga waxaa ka mid ah xildhibaan Mahad Salad iyo Xildhibaan Warsame Joodax iyo masuuliyiin kale.
Masuuliyiinta Gobolka iyo Kan degmada ayaa garoonka ku soo dhaweyay wafdiga ka socda baarlamaanka.
Socdaalka masuuliyiintaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli Galmudug warqad ay soo saartay ay ku sheegtay in garoomada Galmudug aysan ka soo dagi karin masuuliyinta ka socota Dowlada Soomaliya.