Xaaf oo olole kawada Gaalkacyo
Madaxweyne Xaaf ayaa olole xoogan ka bilaabay magaalada Gaalkacyo kaas oo ku doonayo inuu kusoo dhiso liis xildhibaano ah
Wararka ayaa sheegaya dardarta Xaaf timid kadib markii maanta Dhuusamareeb looga dhawaaqay liiska xildhibaanada Galmudug
Gaalkacyo ayaa waxaa kusugan Xaaf iyo saaxiibadiis kuwaas oo sheegay in maamul ka madax banaan dowlada ay ka dhisi doonaan Gaalkacyo
Maalinta beri ah ayaa la filayaa in Xaaf la hadlo warbaahinta waxaana sidoo kale la maleynayaa in Gaalkacyo ay tagaan dhamaan odayaasha iyo siyaasiyiinta kasoo hor jeeda magacaabista xildhibaanada cusub
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa Dhuusamareeb waxaa shirar jaraa,id ku qabtay qaarkamid ah saxiixayaasha Galmudug ee laga saaray liiska odayaasha waxayna sheegeen in boob iyo wax isdaba marin lagu saleeyay liiska cusub ee xildhibaanada Galmudug