Xildhibaanada Galmudug oo handaad kala duwan la kulmaya

0
837

Xildhibaanada Galmudug oo handaad kala duwan la kulmaya

Qaarkamid ah xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in culusyo kala duwan ay uga imaanayaan dowlada Somaliya

Xildhibaanada ayaa sheegay in lagu wargalshay inaysan la kulmi karin musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Galmudug marka laga reebo musharaxa dowladu wadato

Masuuliyiin katirsan dowlada oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa xildhibaanada u sheegay in xildhibaankii lagu arko musharax aan aheyn midka dowladu riixeyso aan lasii doonin kaarka xildhibaanimada Galmudug

Tan iyo markii la dhaariyay xildhibaanada Galmudug ayaa waxaa jira fariimo si joogto ah loogu diro kuwaasoo xildhibaanadu sheegeen in hadba lagu siiyo amaro cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here