Friday, June 26, 2026
HomeWararWeerar qaraxyo ku billaawday oo lagu qaaday Saldhig kuyaalla Shabeellaha Hoose

Weerar qaraxyo ku billaawday oo lagu qaaday Saldhig kuyaalla Shabeellaha Hoose

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in waaberigii hore ee saaka in ay weerar qaraxyo ku billaawday ku qaadeen saldhig Ciidamada howlgalka ATMIS ku leeyihiin degmada Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in xilligii la dukanayay Salaadii Subax ay maqleen jug culus oo is xig-xigay iyo dhawaqa rasaasta ay is weeydaarsanayeen Ciidamada Uganda ee ku sugan Saldhigooda Buulo-Mareer iyo Al-Shabaabkii soo weeraray.

Waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, basle aan weli si faah faahsan loo helin, waxaana Al-Shabaab oo ka hadlay weerarka ay sheegteen inay la wareegeen Saldhiga Ciidamada Uganda ee degmada Buulo-Mareer.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab weerarkii ay kusoo qaadeen degmada Buulo-Mareer, balse aysan bixin faah faahino dheeraad ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe