Saturday, April 25, 2026
HomeWararDibaddaWeerar Lagu Dilay Macalin Dugsi Quraan Iyo Xaaskiisa Oo Ka Dhacay...

Weerar Lagu Dilay Macalin Dugsi Quraan Iyo Xaaskiisa Oo Ka Dhacay Gobolka Galgaduud.

Dhacdo naxdin leh oo ka dhacday gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa koox hubaysan oo aan haybtooda la garanayn waxay gurigooda oo ku yaala deegaanka Gorfaale oo u dhexeeya Cadaahar iyo Bulacle ku dilay Macalin Dugsi Qur’aan iyo Xaaskiisa taasoo keentay in bulshada ay ka tacsiyeeyaan geerida ku timid macalinkii iyo xaaskiisa. xaaskiisa.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan oo xalay dhacay ayaa argagax ku abuuray guud ahaan gobolka, waxaana goobta dilka ka dhacay xalay ka baxsaday dabley aan la garaneyn oo falka dilka ah geysatay, iyadoo dadka deegaanka ay goobta soo gaareen, isla markaana ay ku wargeliyeen laamaha ammaanka dowlad goboleedka Galmudug arrin nasiib darro ah.

Si dhab ah looma oga cida ka danbeysa dilkan balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in uu salka ku hayo dilal loo geysanayo aanooyin qabiil oo mudooyinkii dambe ka dhacayay deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Lama oga ilaa hadda sababta dilka loo geystay, balse wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in kooxaha dilka geystay ay la xiriirin karaan dagaal beeleedyo iyo aargoosi muddo soo jiitamayay oo ka dhacayay gobolka Galgaduud, taasoo ah arrin soo noq-noqotay oo soo noqnoqoneysay dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Ilaa hadda ma cadda sababaha ka dambeeya weerarka iyadoo laamaha ammaanka la filayo in ay baaritaano bilaabaan.

Magaca macalinka geeriyooday ee macalinka Qur’aanka kariimka ah ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cali oo ku caan baxay (Jalaqle). Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Gobolka Galgaduud, inkastoo la sheegayo in ay socdaan howlgallo la xiriira soo qabashada kooxdaasi.

Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa horay u soo qab qabtay dad lala xiriirinayo dagaal beeleed. Dhacdadan ayaa muujineysa baahida degdega ah ee loo qabo dadaallo joogto ah oo wax looga qabanayo xiisadaha iyo iska horimaadyada hoose ee saameynta tooska ah ku leh badqabka iyo badqabka shaqsiyaadka Galgaduud iyo gobollada kale ee ay saameysay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe