Friday, July 3, 2026
HomeWararGudahaBooliska Gobolka Banaadir oo xabsiga dhigay nin lagu eedeeyey

Booliska Gobolka Banaadir oo xabsiga dhigay nin lagu eedeeyey

Ciidanka Booliiska Caasimadda ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Axmed Maxamed, kaas oo ku eedeysan inuu ku kacay fal dhagar ah oo uu ka geystay waddada 21-ka Oktoobar (Enza Home).

Eedeysanaha ayaa si ula kac ah ugu xiray bullaacadaha biyaha qaada caagadaha 20-ka litir ah ee biyaha laga cabo, arrintaas oo carqaladeysay qulqulka biyaha roobka, isla markaana sababtay fatahaad iyo hakad ku yimid isu-socodka gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala waddadaasi.

Eedeysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Booliiska, waxaana ku socda baaritaan, Marka baaritaanku soo idlaado, waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo.

Booliiska Caasimada waxay bulshada ugu baaqayaan inay ka fogaadaan fal kasta oo waxyeello u geysanaya hantida guud iyo kaabeyaasha muhiimka u ah adeegyada bulshad,. Sidoo kale, waxay shacabka ku dhiirrigelinayaan inay laamaha amniga la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta falalka noocan oo kale ah, si loo ilaaliyo amniga, nadaafadda iyo bilicda magaalada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe