Friday, July 3, 2026
HomeWararGudahaSoomaaliya & Turkiga oo iska kaashanaya Xoojinta Iskaashiga Badda

Soomaaliya & Turkiga oo iska kaashanaya Xoojinta Iskaashiga Badda

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa iska kaashanaya xoojinta iskaashiga dhinaca Badda kaddib markii ay kulmeen Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac & dhiggiisa Turkiga, Abdulkadir Uraloğlu.

Soomaaliya & Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan iyada oo sanadihii u dambeeyay labada Dowlad ay ka shaqaynayeen iskaashiga labada Dal, Muqdisho iyo Ankara ayaa ku ballamay horumarinta cilaaqaadka ka dhaxeeya.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka qaybgalay shirweynaha 5aad ee Badaha Turkiga oo lagu qabtay Magaalada Istanbul, waxaana madasha lagu sheegay mid muhiim u ah dedaallada Ankara ay ku xoojinayso iskaashiga ay la leedahay Dalal Soomaaliya ay ku jirto.

“Walaalkeen Turkiga wuxuu weli yahay dal aan ku kalsoonahay iyo saaxiib istiraatiiji ah, isagoo garab taagan Soomaaliya inta aan ku jirno dib u dhiska dowladnimadeenna iyo xoojinta hay’adaha qaranka” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka & Dekadaha Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac

Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha ee Turkiga, Cabdulqaadir Uraloğlu ayaa sheegay in dhankiisa uu xoojinayo wadashaqaynta kala dhaxeysa Soomaaliya isaga oo intaas ku daray inay ka taageerayaan horumarinta Dekedaha, Ganacsiga & Horumarinta Dhaqaalaha.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe