Home Warar “Waxaa loo baahan yahan in dib loo dhigo Fariimaha qaar ee is...

“Waxaa loo baahan yahan in dib loo dhigo Fariimaha qaar ee is dhaliilidda ah” Qoor-Qoor.

217

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ku howlan isu soo dhaweynta Madaxda DFS & Midowga Musharixiinta si xal looga gaaro tabashada ka taagan Guddiga maamulada Doorashooyinka ayaa ka hadlay waxyaabaha labada dhinac laga doonayo.

Qoor-Qoor ayaa sheegay in waqtiga la joogo oo ah mid loo baahan yahay in laga wada xaajoodo Doorasho ku dhacda si degen in dhinacyada kala tabanaya ay joojiyaan fariimaha qaar oo aan wanaagsaneen.

“Is dhaliilidda & tilmaamaha dhaliilaha la sheego inta badan wax bay saxdaa, haddii ay jirtana ciddii, mas’uulka ama qaybtii la dhaliilay ayaa isku saxeysa, haddii aysan jirin waa laga dedaalaa in aysan dhicin” Sidaasi Waxaa yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

“Waqtigaan Doorashada oo waliba ay jirto kala duwanaashiyo yar oo heshiiskii doorashada ka dhex jira, fariimaha qaarkood aniga oo hubo in la dedaalay haddana waxa ay rabaan in dib loo dhigo oo fariimaha baxaya ay noqdaan kuwo dooroshada, isu dul qaadashada & isu tanaasulkeeda inta badan ka hadlaya, Saaxiibada mararka qaar dhaliilaha waday waxa ay ula jeedeen in wax la qabto oo marnaba ulama jeedin wax dib u dhacaan” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha DG Galmudug.

Dib u dhac ayaa ku yimid dhaqangalka Jadwalka Doorashada oo la muddeeyay 1-dii October 2020, Xukuumadda Federaalka ayaa xareysay Guddi kala dhiman oo kala metalaya Dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed, Xubno ay u magacawday Doorashooyinka Somaliland & kan heer Federaal.

Haddaba, Suuragal ma tahay in dhinacyada siyaasadda ku lugta leh ay joojiyaan fariimaha is dhaliilidda ah inta lagu howlan yahay xal ka gaarista khilaafka hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka?