Home Warar Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay Gobolka Baay

Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay Gobolka Baay

111

Wafdi uu horkacyo Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed janaraal Maxamed Shiikh Cabdullahi Ciirow oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta Iyo Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gaaray dDeeganka Goof-gaduud Buurey ee Gobolka Baay, halkaasi oo Fariisin u ah Ururka 45-aad guutada 8aad qeybta 60aad ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ujeedada wafdiga ayaa ahaa u kuur gelida baahiyaha ka jira deeganka iyo dhiira gelinta ciidamada ku sugan halkaasi, waxaana mas’uuliyiinta ay si kala gooni gooni ah ula kulmeen Shacabka degaanka, iyaga oo sidoo kale dardaaran u jeediyeen Ciidamada kala duwan ee dowladda.

Taliyaha ciidamada xooga dalka qeybta 60-aad janaraal Maxamed Shiikh C/laahi ciirow ayaa ugu horeyn ciidamada xerada kula hadlay isagoona ku dhiira geliyey iney sii laba jibaaraan la dagaalanka  Al-Shabaab.

Degaanka  Goof-gaduud Buurey ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay kamid tahay degaannada hoostaga Magaalada Baydhabo, waxaana dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah & Al-Shabaab.