Friday, April 19, 2024
HomeWararWasiirka Waxbarashada XFS Oo Ka Qeyb-Galay Xafalad Shahaadooyin Lagu Gudoonsiiyey Maxaabiis Ku...

Wasiirka Waxbarashada XFS Oo Ka Qeyb-Galay Xafalad Shahaadooyin Lagu Gudoonsiiyey Maxaabiis Ku Xiran Xabsiga Dhaxe

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Abdullahi Godah Barre iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta waxaay ka qeyb-galeen xafalad shahaadooyin lagu gudoonsiiyey maxaabiis ku xiran Xabsiga Dhaxe ee xamar.

Maxabiistan oo tiradood gaareysa 38 Maxbuus ayaa waxay barteen xirfado kala duwan oo ay ka mid tahay saxaafadda iyo computer-ka  oo ay ka barteen Iskuulka Rajo oo ku dhax yaalla  gudaha xabsiga dhex ee xamar.

Taliyaha Ciidanka Asluubta  soomaaliyeed sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa wax lagu farxo ku tilmayay in maxbiis lagu soo edeyay dambiyo kala-duwan ay taliska ciidanka asluubta ay baraan xirfado mastaqbalkooda wax u taro iyadoo uu ku dhira galiyay.

Wasiirka Waxbarashada Xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Abdullahi Godah Barre ayaa boogadiyay talaabada Taliska Ciidanka Asluubta ay qadeen ee ku aadan  waxbarshada maxaabiistan maanta qalin jibisay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe