Sunday, March 23, 2025
HomeWararFaa Faahino Alshabaab oo Sheegay Askar Mareykan Ah Ku Dileen Bali Doogle

Faa Faahino Alshabaab oo Sheegay Askar Mareykan Ah Ku Dileen Bali Doogle

Al Shabaab ayaa sheegtay weerarkii Madaafiicda ee ay ku qaaden Xerada Ciidamada Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose inay ku dileen saddex askari oo Ciidamada Mareykanka ka tirsan.

Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaa ku sugan Ciidamada Mareykanka ee Somaliya ka hawlgala, kuwaasi oo Saldhig wayn halkaasi ku leh.

Al Shabaab waxa ay sheegteen madaafiicda oo gudaha Saldhiga ku dhacay inay ku dhinteen saddexdaasi Askari oo mid ka mid uu yahay Taliye sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay kaloo sheegeen in halkaasi dhaawac uu ka soo gaaray Shan askari oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee Saldhigaasi ku sugnaa.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Al Shabaab oo xaqiijinaya in khasaarahaasi uu soo gaaray Ciidamada Mareykanka ee Saldhigaasi ku sugan ee Madaafiicda shalay lagu weeraray.

Guutada Shabaab ee dhanka Madaafiicda u qaabilsan, ayaaka dambeeyay weerarkii Madaafiicda ku bilowday ee shalay lagu qaaday Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe