Sunday, April 19, 2026
HomeWararGudahaWasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Codsaday in Aqalka Sare uu dhexdhexaadiyo Dowladda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Codsaday in Aqalka Sare uu dhexdhexaadiyo Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo u jeediyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ayaa ka codsaday in Golaha ay soo farageliyaan dhexdhexaadinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland. Baaqan ayaa yimid xilli uu wasiirku ka jawaabay su’aalo la xiriira arrimo badan oo ay ka mid yihiin colaadaha beelaha, doorashooyinka caalamiga ah iyo doorka odayaasha dhaqanka.

Wasiir Xoosh ayaa iftiimiyay dadaalka ay Wasaaraddu ugu jirto dhex dhexaadinta beelo colaadi ka dhaxayso iyo sidii ay u diri lahayd ciidamo wada hadal ah oo fududeeya. Wuxuu ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in la iska kaashado odayaasha dhaqanka iyo dowlad goboleedyada si loo helo hab mideysan oo lagu xaliyo khilaafaadka.

Xoosh ayaa garwaaqsaday xiisada ka dhex aloosan Puntlandisagoo ku sifeeyay xaalada mid khilaaf ka taagan tahay oo lagama maarmaan u ah in Aqalka Sare uu si firfircoon ugu lug yeesho. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay doorka Puntland ee wax ka qabashada arrimaha gobolka, wuxuuna ugu baaqay golaha inay fududeeyaan doodaha la doonayo in xal looga gaaro.

Sidoo kale wasiirka ayaa ka hadlay walaaca la xiriira hubkii dhawaan lagu qabtay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Wuxuu caddeeyay in hubkan oo lagu helay in markii hore lagu keydiyay deegaanno ku dhow xuduudka Itoobiya ay gacanta ku hayaan ganacsato u dhalatay deegaanka.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe