Dhaqdhaqaaqa sinaanta jinsiga ee Soomaaliya (SGEM) ayaa si rasmi ah warqad cabasho ah ugu gudbiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre taasoo ay kaga cabanayaan hoos u dhigista matalaadda haweenka ee xukuumaddiisa Cabashadan oo sidoo kale la ogeysiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxay ka hadlaysaa labo kursi oo haween ay ku waayeen Ra’iisal Wasaaraha cusub ee uu magacaabay.
Xubnaha SGEM waxay warqadooda ku cadeeyeen in markii hore haweenku ay ka koobnaayeen 12% Golaha Wasiirada ee Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre, iyagoo ka soo qabtay 9 jago. Si kastaba ha ahaatee, isbedeladii ugu dambeeyay ayaa hoos u dhigay matalaaddan 9%, iyada oo haweenku hadda haystaan 7 kaliya oo ka mid ah 75 boos.
“Ra’iisul Wasaare annagoo ah Ururka Dhaqdhaqaaqa Sinnaanta Jinsiga Soomaaliyeed, oo loo soo gaabiyo SGEM, Guddiga Golaha Sare iyo Xubnihiisa, oo ah ku dhawaad 8,000 oo haween Soomaaliyeed ah oo u taagan ilaalinta xaquuqda haweenka mar walba, ka soo horjeeda, cambaareyna, aad iyo aadna u taageersan. Waan ka xumahay jagooyinka dumarka Soomaaliyeed oo markii horeba hooseeyay oo qaar badan oo iyaga ka mid ah si degdeg ah loogu beddelayo rag,” ayaa lagu yiri warqadda SGEM.
Warqadda ayaa lagu faahfaahiyay xilalka gaarka ah ee ragga loo dhiibay oo ay ka mid yihiin.
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka
Wasiiru Dawlaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska
Xisaabiyaha Guud
Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe
Ku-xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Agaasimaha Maaliyada ee Wasaaradda Beeraha
SGEM ayaa sidoo kale walaac ka muujisay labo haween ah oo laga hor istaagay in ay u tartamaan jagooyin caalami ah oo kala ah Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Adduunka.
Si looga jawaabo isbeddeladan, SGEM waxay samaysay shuruudo gaar ah si loo saxo xaaladda. Waxay ugu baaqeen ugu yaraan 4 ka mid ah 9-ka xubnood ee ay Dowladda Federaalka u magacawday Ururka Bulshada Bariga Afrika inay noqdaan haween, hubinta isku dheelitirnaanta cadaaladda iyo ka mid noqoshada matalaadda dowladda.
Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaa nasiib darro ah in Golaha Wasiirada oo ka kooban 75 xubnood ay horey u lahaayeen 9 (12%) oo kaliya haween, haddana ay waayeen labo jago oo kale, taasoo hoos u dhigtay tirada ay ku fadhiyeen 7 (9%). Waxaan soo jeedinaynaa talooyinka soo socda: In boosaska laga qaaday haweenka loo beddelo kuwo u dhigma iyo kuwo kale si loo helo isku dheelitirnaan, caddaalad iyo dawlad loo dhan yahay,” SGEM ayaa ku nuuxnuuxsatay warqaddooda.
Hoos u dhigista matalaadda haweenka ayaa dhaleeceyn weyn ka dhex dhalisay xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan haweenka. Ka saarida Wasaaradda Haweenka ee doorarka muhiimka ah waxay ahayd qodob udub dhexaad u ah khilaafka.

