Home Warar Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la leh Jabhadda Janeraal Xuud

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la leh Jabhadda Janeraal Xuud

210

Waxaa weli muran xooggan uu ka taaganyahay siyaasadda Maamulka Hirshabelle oo dhowaan doortay madaxweyne cusub, balse ay beelaha qaarkood kasoo horjeesteen.

Waxaa muranku uu cirka isku sii shareeray ka dib markii saraakiil hubeysan oo ka soo jeeda Beledweyne ay sheegeen in Madaxweynaha Hirshabelle uusan halkaasi tagi karin.

Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa kulamo kula yeeshay duleedka Magaalada Beledweyne Saraakiisha kasoo horjeedda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Kulamadaan ayaa ah kuwo xal loogu raadinaayo sidii Madaxweynaha Hirshabeelle uu ku tagi lahaa Magaalada Beledweyne oo laga hor istaagay ka dib markii qaar ka mid ah beelaha Hirshabeelle ay ka gadoodeen.

General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud ) oo hoggaaminaya Jabhada kasoo horjeedda Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kulamada la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana sidoo kale kulankaasi qeyb ka ahaa qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka.