Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay kolonyo baabuur ah oo cunto sida u dirtay magaalo madaxda gobolka Tigray ee maamulkiisii talada laga tuuray.
Xafiiska Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in 30 baabuur oo kuwa xamuulka ah oo sida 12,500 kiish oo midkiiba 100 Kiiloo yahay ay gaadheen magaalada Mekelle, sidoo kalena ay waddada ku sii jiraan 7,000 oo kiish oo daqiiq ah.
Saddex baabuur oo kale oo sida dawooyin ayaa la filayaa in ay iyaguna gaadhaan magaaladaas waxaana la qaybin doonaa Sabtida, sida lagu sheegay warbxinta.
Dawalddu waxay sidoo kale beenisay eedo ah in gargaarka aadamnimo ee gobolkaa loogu talo galay uu hakiyey dagaalka socdaa. Waxay sheegtay in sida gobolkaa loo tagi karo ahaatay “lagala kaashanayo oo ay ka talo bixinayso xukuumaddu”.
Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkii hore sheegay in dagaal uu weli ka socdo meelo badan oo gobolka ah taasina hakad gelisay dedaalka gargaarka lagu gaadhsiinayo.
Boqollaal qof ayaa lagu warramayaa in lagu dilay gulufkii bisha socday, halka tobanaan kun oo kalena ay barakaceen oo dad badan oo qulqulayaa u qaxeen Sudan. Isgaadhsiinta oo go’nayd tan iyo bilowgii dagaalka ayaa adkaysay in la xaqiijiyo wararkaas.