Sunday, March 23, 2025
HomeWararWasiir Qaloocow:-Dalka Waxaa Ka Billaanaya Canshuur Mideysan

Wasiir Qaloocow:-Dalka Waxaa Ka Billaanaya Canshuur Mideysan

Cabdullaahi Shiikh Cali Qaloocow Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay in Wasaaraddu ay waddo sidii ay guud ahaan dalka ugu qaadi laheyd Canshuurta Dalka.

Waxa uu si gaar ah u sheegay in Dowladda Federaalka ay Magaalada Muqdisho ka qaado Canshuur, si lamid ah Gobolada Dalka qeybo kamid ah Maamul Goboleedyada iyanna ay Canshuurta qaadaan.

Qaloocow ayaa sheegay in shacabka ay isweynayaan in Canshuurta Dalka ay tahay mid guud ahaan si isku mid ah looga qaado Ganacsatada.

Ka wasaarad Maaliyad ahaan waxa uu tibaaxay in Wasaaradaha Maamul Goboleedyada ay kala hadlayaan sidii loo mideyn lahaa Canshuurta oo Shey waliba si isku mid ah looga qaado Canshuur siman.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay si toos u qaadi doonaan Lacagaha Canshuurta, si dhaqaalaha Dalka uu kordho, sidoo kalana Soomaaliya ay kasoo kabato Deemaha lagu leeyahay muddo dhan 27-sano.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe