Saturday, March 15, 2025
HomeWararSawiro Mashaariic Hormarineed oo kasocta deeganka Cadakibir ee gobolka Galgaduud

Sawiro Mashaariic Hormarineed oo kasocta deeganka Cadakibir ee gobolka Galgaduud

Dadka deeganka Cadakibir iyo hayada Xayaad oo ay ku mideysan yihiin qurba joog kasoo jeeda Galmudug ayaa markii ugu horeysay  deegaankan ka bilaabay mashaariic isku xiran oo ay kamid tahay dhismaha iskuul, xarunta deegaanka iyo balaarinta xarunta caafimaada deegaanka Cadakibir.

Deegankan oo 70 kiilomitir dhanka bari kaxiga Cadaado ayaa qorshuhu yahay in ardeyda iskuulka ay fariistaan bisha 8 ee sanadkan waxaana haatan ardeydu ay wax ku bartaan guryo kiro ah.Cabdi Abshir kulmiye  madaxa arimaha bulshada deeganka Cadakibir ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in iskuul uu ka kooban yahay 5 qol iyo musqulo waxuuna ku baaqay in laga qeyb qaato dhameystirka dhismaha iskuulka.

Daahir Daa,uud maamulaha iskuulka deeganka Cadakibir ayaa u mahadceliyay hayadda  Xayaad waxuuna sheegay in horey aysan u heysan goob ay wax ku baraan adeyda oo ay u madax banaan yihiin.

Cisman Maxamed oo kamid ah ardeyda waxkabarata deegaanka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dhismaha iskuulkan ay waxbarashada ku bilaabaan bisha 8 marka ay kasoo laabtan fasaxa.

Marka laga soo tago dhismaha iskuulka waxaa sidoo kale la bilaabay xarunta deeganka mashaariicdan isku xiran ayaa waxaa la dhagax dhigay 29 bishii 6 2016 waxaana dhagax dhigay masuuliyiin katirsan hayad xayaad.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe