Sunday, January 19, 2025
HomeWararWasiir Maareeye Oo Turkiga uga Qeyb galaya Shir u dhaxeeya Ganacsatada Turkiga...

Wasiir Maareeye Oo Turkiga uga Qeyb galaya Shir u dhaxeeya Ganacsatada Turkiga iyo kuwa Soomaaliya

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa u ambabaxay Dalka Turkiga halkaas uu kaga qeyb gali doono Shir u dhaxeeya Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga.

Wasiirada Ganacsiga Dowlad Gobaleedyada dalka iyo Xubno ka socda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah Wafdiga Wasiirka.

Shirkan oo looga hadli doono sidii loo maalgalin lahaa Ganacsatada Soomaaliyeed iyo wax soosaarka dalka Soomaaliya waxaa shir guddoomin doona Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulanka ka jeedin doona Khudbad uu kaga hadli fursadaha maalgashi ee Soomaaliya kaga banaan Ganacsatada iyo sida Ganacsatada Turkiga u maalgashan karaan Soomaaliya si waxsoosarka dalka kor loogu qaado.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe