Thursday, October 8, 2026
HomeWararGudahaSiyaasadda “Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah” iyo Saddexda Dal ee...

Siyaasadda “Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah” iyo Saddexda Dal ee Caqabadaha Ugu Waaweyn Noqday

Xasan Sheekh Maxamuud markii uu mar kale xilka Soomaaliya qabtay sanadkii 2022 wuxuu siyaasaddiisa arrimaha dibadda ku saleeyay hal-ku-dhigga ah “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.” Siyaasaddan waxay ku dhisnayd in Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka caalamka, gaar ahaan deriskeeda, iyadoo aan la abuurin cadow dibadeed oo joogto ah.

Laakiin afartii sano ee u dambeeyay waxaa soo baxay saddex dal oo siyaasaddooda iyo danahooda gobolka ay si gaar ah u taabteen meelaha ugu xasaasisan ee siyaasadda Soomaaliya. Dalalkaas waa Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo Israel.

Waxa arrintan ka dhigaya mid xiiso gaar ah leh ayaa ah in laba ka mid ah dalalkaas, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, ay yihiin dalal uu Xasan Sheekh marar badan ku tilmaamay dalal muhiim u ah Soomaaliya, inkastoo xiriirkooda Muqdisho uu galay marxalado adag.

Itoobiya: Khilaafkii ugu weynaa iyo dib-u-heshiisiintii dambe,Itoobiya waxay ahayd mid ka mid ah dalalka ugu horreeyay ee Xasan Sheekh uu booqdo markii uu xilka ku soo laabtay. Soomaaliya iyo Itoobiya waxay muddo dheer lahaayeen xiriir dhinacyo badan leh, gaar ahaan dhinaca amniga iyo dagaalka Al-Shabaab,xiriirka labada dal wuxuu galay xaalad adag kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen Janaayo 2024.

Muqdisho waxay heshiiskaas u aragtay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, maadaama uu Addis Ababa siinayay marin badeed oo Somaliland ah. Soomaaliya waxay ku adkaysatay in Itoobiya haddii ay rabto marin badeed ay tahay inay heshiis rasmi ah la gasho dowladda federaalka Soomaaliya.

Xiisaddaasi waxay gaartay heer aad u sarreeya, iyadoo Soomaaliya ay Itoobiya ka dalbatay inay ka baxdo heshiiska, halka Itoobiya ay ku adkaysatay baahideeda istiraatiijiga ah ee marin-badeed.

Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ugu dambayn bilaabeen wada-hadallo ay Turkigu dhex-dhexaadinayay. Diseembar 2024 waxaa Ankara lagu gaaray heshiis saldhig u noqday in labada dal ay khilaafkooda ku xalliyaan wada-hadal.

Kadib waxaa xigay booqashooyin labada dhinac ah. Xasan Sheekh wuxuu Addis Ababa tegay Janaayo 2025, halka Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu Muqdisho yimid Febraayo isla sanadkaas.

Isbeddelka ugu weyn wuxuu yimid markii Xasan Sheekh wareysi uu bixiyay Oktoobar 2026 uu sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu hadda yahay mid wanaagsan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya aysan diiddanayn in Itoobiya isticmaasho dekedaha Soomaaliya, balse arrintaasi ay tahay in si rasmi ah loola xaajoodo dowladda Soomaaliya.Taasi waxay muujinaysaa in khilaafkii 2024 uusan noqon mid labada dal ka dhiga cadow joogto ah.

Xasan Sheekh markii uu xilka qabtay 2022 wuxuu safarkiisii hore ku tagay Imaaraadka Carabta, taas oo muujisay muhiimadda uu Abu Dhabi u leeyahay siyaasadda Muqdisho.

Imaaraadku wuxuu Soomaaliya ka taageeray arrimo ay ka mid yihiin gargaarka bani’aadantinimo, amniga iyo dhaqaalaha. Waxa kale oo uu muddo dheer dano maalgashi iyo ganacsi ku lahaa dekedaha Geeska Afrika.

Laakiin xiriirka labada dhinac wuxuu si tartiib ah u galay muran, gaar ahaan arrimaha Somaliland, Puntland iyo Jubbaland iyo xiriirka UAE uu la leeyahay dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya.

Khilaafku wuxuu si weyn u qarxay 2026 markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay baabi’isay heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta, oo ay ku jireen heshiisyo la xiriiray amni, difaac iyo dekedo.

Dowladda Soomaaliya waxay tallaabadaas ku sababaysay arrimo la xiriira madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Waxa arrinta ka dhigay mid adag ayaa ahaa in qaar ka mid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya aysan raacin go’aanka Muqdisho, iyagoo sheegay inay sii wadanayaan xiriirkooda Imaaraadka.

Xasan Sheekh weli wuxuu UAE u arkaa dal muhiim ah oo aan la iska indho tiri karin. Taasi waxay muujinaysaa in inkastoo khilaaf siyaasadeed uu jiro, haddana Soomaaliya aysan doonayn inay UAE ka dhigto cadow joogto ah.

Israel: Khilaafka ugu adag,Israel ayaa noqotay dalka saddexaad ee xiriirkiisa Soomaaliya uu galay marxalad aad u adag,Arrinta ugu weyn waxay ka dhalatay markii Israel ay aqoonsatay Somaliland dabayaaqadii 2025.

Dowladda Soomaaliya waxay si adag uga hortimid go’aankaas, iyadoo ku tilmaantay mid ka hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo keeni karta joogitaan militari oo Israel ay ku yeelato Somaliland.

Wareysigiisii ugu dambeeyay ee Al Jazeera ee Oktoobar 2026, Xasan Sheekh wuxuu mar kale sheegay in Soomaaliya aysan xaalad kasta ku aqbali doonin joogitaan Israel ah.

Sidaas darteed, halka Soomaaliya ay Itoobiya iyo UAE weli uga tagtay albaab wada-hadal, mowqifka ay ka qaadatay Israel wuxuu noqday mid aad uga adag, gaar ahaan kadib aqoonsiga Somaliland.

Maxaa ka dhexeeya saddexdan dal?Inkasta oo Itoobiya, UAE iyo Israel aysan isku xaalad ahayn, haddana dhammaantood waxay si toos ah ama si dadban ugu xiran yihiin arrinta Somaliland iyo danaha istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Itoobiya waxay raadineysaa marin badeed,UAE waxay leedahay dano dhaqaale iyo istiraatiiji ah oo ku saabsan dekedaha iyo Geeska Afrika,Israel-na waxay Somaliland la yeelatay xiriir cusub oo siyaasadeed kadib aqoonsigeeda.

Dhammaan arrimahaas waxay ku dhacayaan meel ay dowladda Soomaaliya u aragto inay tahay arrin ku saabsan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Maxay tani ka sheegaysaa siyaasadda Xasan Sheekh?Siyaasadda “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah” ma muuqato inay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay aqbasho wax kasta oo dalalka kale ay doonayaan,Waxay u muuqataa inay ku dhisan tahay fikrad ah in Soomaaliya ay xiriir la yeelan karto dal kasta, xitaa marka uu khilaaf jiro, iyadoo haddana ilaalinaysa waxa ay dowladda u aragto danaha aasaasiga ah ee dalka.

Itoobiya ayaa tusaale fiican u ah arrintaas,Labada dal waxay galeen khilaaf aad u weyn 2024, laakiin ugu dambayn waxay dib ugu laabteen wada-hadal.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe