Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Muqtaar Kaamil ayaa ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya kaddib markii la sheegay in uu qabtay xannuun degdeg ah sida ay shaaciyeen xubno katirsan ehelkiisa.
Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Maamulkaas ayaa u tacsiyeeyay ehelka Marxuum Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland, Muqtaar Kaamil.
Muqtaar Kaamil ayaa muddo la shaqaynayay Dowlad-Goboleedka Jubbaland, waxaana uu kamid ahaa Wasiirrada ugu firfricoon ee Maamulkaas isaga oo ka qaybgalay shirar looga hadlayay Waxbarashada iyo sida loo horumarin karo.

