Wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabyada mucaaradka ayaa maanta lagu kala kacay kadib markii dhinacyadu isku mari waayeen hannaanka doorashooyinka dalka.
Wada-hadalladan oo ay beesha caalamku dhex-dhexaadinaysay ayaa maanta ka qabsoomay xayndaabka Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Kulanka ayaa meesha ka saaray rajadii laga qabay isku soo dhowaanshaha labada dhinac, kuwaas oo hore ugu heshiiyay mabda’a doorasho qof iyo cod ah, hase yeeshee waxay isku mari waayeen hannaanka loo qabanayo doorashadaas.
Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay in la qabto doorasho dadweyne oo ku saleysan nidaamka xisbiyada, halka Golaha Mustaqbalka uu isna miiska soo saaray hannaan doorasho toos ah oo ku saleysan hab-beeleedka 4.5.
Golaha ayaa sidoo kale si adag uga horyimid doorashooyinka ay dowladda ka waddo dowlad-goboleedyada, arrintaas oo mas’uuliyiinta dowladda federaalku diideen in laga hadlo.
Sidoo kale, waxaa jira kala aragti duwanaansho ku saabsan goobaha ay doorashooyinku ka dhici doonaan. Qaar kamid ah mucaaradka ayaa qaba in doorashada lagu koobo magaalooyin cayiman, halka Dowladda Federaalka iyo xubno kale oo mucaaradka ka tirsan ay ku doodayaan in doorasho qof iyo cod ah laga qabto guud ahaan dalka.
Beesha caalamka ayaa la sheegay inay hadda qorshaynayso inay keento hannaan doorasho oo dhex-dhexaad ah, kaas oo isku daraya soo-jeedimaha dowladda iyo garabyada mucaaradka oo ay ku jiraan Golaha Mustaqbalka, Nabad iyo Nolol, iyo Golaha Midnimo Qaran.
Si kastaba, dowladda iyo mucaaradka ayaa isku waafaqsan in dalka laga qabto doorasho toos ah, balse waxa la isku hayaa laba qodob oo waaweyn: in doorashadu ku salaysnaato nidaamka xisbiyada mise hab-beeleedka 4.5 iyo in ay maamusho hal guddi oo mideysan mise laba guddi oo kala duwan.

