Home Warar Wasiir Beyle Oo Shaaca Ka Qaaday Waxa Hortaagan Daabacaadda Lacagta Shilinka Soomaaliga

Wasiir Beyle Oo Shaaca Ka Qaaday Waxa Hortaagan Daabacaadda Lacagta Shilinka Soomaaliga

196

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ka hadlayay lacagta cusub ee dowladda soo bandhigtay xiliga lasoo saarayo ayaa sheegay in ay u xanniban tahay $41 Milyan oo Doolar.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in shuruudo dhowr ah oo la hordhigay Soomaaliya ay kasoo gudbeen, balse kaliya ay sugayaan lacagta lagu daabacayo.

Mar la weydiiyay lacagtaas in ay Dowladda federaalka ay dabari karto, waxa uu sheegay in lacagaha loogu talagalay socod siinta Dowladda ee lagu kabo Miisaaniyadda aan lagu bixin karin.

Dadaalo ku saabsan sidii loo heli lacagtaas ayuu tilmaamay in Madaxda Dowlada federaalka ay wadaan, iyaga oo Dalalka taageera Soomaaliya kala hadlay.

Isticmaalka lacagta shillin Soomaaliga waxaa kaliya ka haray kunka shilin (1000 Sh.so), Bartamaha Soomaaliya lagama isticmaalo, halka deegaanada qaar laga isticmaalo mid dalka lagu sameeyay.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay usoo bandhigtay naqshad lacageed ka weyn kunka shillin oo ugu weynaa lacagihii la isticmaalay muddo dheer.

Wasiir Bayle oo Wareysi siiyay Idaacadda VOA ayaa sheegay in rajadoodu tahay soo saarista Lacagta Cusub ee shillin Soomaaliga ah.