Home Warar Masar Iyo Kenya Oo Iska Kaashanaya Amniga Soomaaliya vitamin d swim

Masar Iyo Kenya Oo Iska Kaashanaya Amniga Soomaaliya vitamin d swim

179

Madaxweynaha Dalka Masar ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Kenya,wax yaabaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ahaa iskaashiga Ganacsiga,Amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha.

Waxaa kale oo ay isla soo qaadeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen taageerada Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan.

Madaxweynaha Masar  C/Fataax Al Sisi ayaa sheegay in dowladda Masar ay Kenya ka taageereyso dagaalka lagula jiro Al-shabaab islamarkaana ay ka hortagayaan in ay ku fidaan Gobolka.

Dowladda Kenya ayaa 2011kii ciidankeeda soo gelisay Soomaaliya,waxaana ay ku sheegtay in ay ka hortageyso Al-shabaab, laakiin weerarro ka dhacay gudaha Kenya ayaa waxa aku dhintay boqolaal qof oo rayid ah,kuwaas oo ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab.

Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in sidoo kale isaga iyo Uhuru Kenyatta iska kaashanayaan nabadeynta Dalka Koofurta Suudaan oo lagu wado in dhawaan ay ka howlgalaan Ciidamo ka socda Urur Goboleedka IGAD,kuwaas oo ka kala imanaya dalalka Soomaaliya,Jabuuti,Suudaan, Uganda iyo kuwo kale.

holistic kenko

https://holistickenko.com/vitamin-a-benefits-sources-toxicity/

vitamin d swim