Tuesday, March 18, 2025
HomeBarnaamijyadaWasiir Bayle Oo Maanso kucabiray Arimaha Dayn Cafinta.

Wasiir Bayle Oo Maanso kucabiray Arimaha Dayn Cafinta.

Wasiirka Maaliya Xukuumada Fidraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Maanso ku Cabiray Halka ay Marayaan Arimaha Dayn Cafinta Soomaaliya.

Qoraal  uu Wasiirka kusoo Daabacay Saaka Bartiisa Facebook ayuu Kuyiri:-

“Waan idin salaamay dadweynaha Soomaaliyeed ee sharafta iga mudonoow. Waa khamiis kale iyo khayrkeeda. Waxa aan idiin soo gudbinayaa maanso kale oo iskugu dhafan Gabay iyo hees jiifto ah. Waxa caawa ay xusaysaa arrinta deyn cafinta oo maanta ka soo gebegebowday Hay’adda lacagta adduunka, IMF. Taariikh cusub oo yididdiilo badan ayaa dalkeenna u bilaabantay. Ilaah baa Mahadsa iska le.

Ku soo dhawaada:

Gabaygii iyo heestii

Geedka geedaha u mudan iyo
Maantaba Gobbaan nahay

Hordhac Gabay

Dadaalkaan ku jirey een wax badan
Debinta ruugaayey

Dood qaran wixii aan furfuray een hadal ku deeqsiiyey

Wixii aan damqaday een xanuun diifta lediwaayey

Dareenkaygu wuxu sare u kacay een ilmada daadshay

Danta guud wixii an is idhi yaanay kala daadan

Da’da soo kacaysiyo waxan daa’imada fiirshay

Dulmigiyo xasraddiyo waxaan daaya idhi ceebta

Halasaha wixii aan ka digay dogobka qiiqaamay

Duuduub ku qaado iyo waxaan foolxumada diiday

Dagaal dheer wixii aan lagalay daallinkiyo tuugga

Dugaag iyo wixii an hanfade Dacar waraabsiiyey

Waxan hawlo daayacan arkay een dabaqyo saarsaaray

Dabayshiyo wixii uu hanfigu doorshay midabkayga

Dulqaadkayga wixii irkay een
Dayrka sare eegay

Dembbi waxan ka dheeraaday een diinta maganaystay

Dixdii oo biyale waanigaa maanta soo degey e

Deyntii hadday naga baxday oon daahir nahay caawa

Darartaan filaynniyo hadduu roobki noo da’ay e

Dalka oo dhisma iyo waxa ku xigi doobi buuxsamaye

Daf waxaynna soo yidhi nabsigii diinku soo sidaye

Dantuna waxay faraysaa inaan dalagga beernnaaye

U diyaargroobay wakhtigu waa is dabayaalle

Heestii

Googgaa dadweynoow
Wax dhanbaynnu guuraha
Iyo galab carrowgeenna
Nafta biima gelinnee
Geeddiga innoo fura
Gurgurkiyo aloolkiisiyo
Surradahana ka la gura

Caawaan godlanayaayoo
Gabay inan tirabiyo
Geerarku furayahayoo
Murti igu gulaalnnayd iyo
Gaax layga filayaa e
Gallad eebbe weeyaane
Wilwilaha an goynnee
Dhinaca iga soo gala

Hadduu geelu noo dhalayoo
Gibilkii na saarnnaaiyo
Wixii daymo nagu go’ay
Giddi laysla meel dhigay oo
Gacansaarnna lagu daray

Gundhigeedu wuxu yahay
Gellin dhexe habeenkii
Waxan galangalceeyaba
Hurddadu iga guurtoo
Gogosha isdagaalnnaba
Hadbba gorofka noo tolan
Gunta laga dalooshaba

Gefka waxan dulqaatoo
Iska gibil adeygoo
Miciyaa isgelisaba

Gofanaha ilka dheer
Gaagaabka cilinka
Waxan luqunta gooyoo
Gawnaxa u buuraba

Waxan soo gucleeyaba
Guradeeda buurtaan
Halasaha u soo galay
Maantaynnu gaadhnnoo
Laynna soo gelbbinayaa

Geedka geedaha u mudaniyo
Maantaba gobbaan nahay e
Geblo iyo ciyaar tumo
Warkana dunida gaadhsii

Waxay geeri iyo nolol
Nafta hadimo galisaba
Galoolkiyo jillowdiisa
Amma geedagaallaha
Dantu waxay u geysoo
Gasiin waxay ka dhigataba
Gaajada ku mirataba
Shirkii ay galeen saaka
Gabagabada dooddii
Guulbaa ka dhalatoo
Talo waxay guddoonsheen
Laguna soo gunaanaday
In ay noo garaabaan
Geesiyaal inaan nahay
Waxa ay gorfaystaan
Garabsaar horow soco
Hawshooda gudan kara

Hadduu geelo noo dhalayoo
Gibilkii na saarnnaaiyo
Wixii daymo nagu go’ay
Giddi laysla meel dhigay oo
Gacansaarnna lagu darayoo
Geedka geedaha u madaniyo
Allaylehe gobbaan nahay

 

QORAALADA LA XIRIIRA

191 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe