Cabdirashiid Janan Wasiirka Amniga Maamulka Jubaland ayaa 28-kii bishii January Kabaxsaday gacanta DFS waxaana Xiligaasi Dawlada ay sheegtay in janan uu kabaxsaday Xabsi kuyaala Muqdisho oo uu kuxirnaa walow janan dhankiisa uu Beeniyay in xabsi lageeyay uuna sheegay in lagu hayay midkamid ah Xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Tan baxsashadiisii Janan waxaa isisootarayay hadal haynta Baxsashadiisa iyo Dadaalada DFS ay doonayso in ay gacanta ugu soodhigto.
Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha(Human Rights Watch) ayaa soo saartay warbixin ay diiradda ku saareyso su’aalo badan oo ku gadaaman baxsashada Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, oo loo yaqaanno “Cabdirashiid Janan”.
Warbixinta ayaa lagu soo bandhigay eedeymo ka dhan ah Janan iyo dhaliil loo jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hay’adda Amnesty International, oo iyana safka hore uga jirta ururrada u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa sidoo kale horay u muujisay walaaca ay ka qabtay baxsashada siyaasigan ku eedeysan dambiyada, iyadoo dalbatay in la xaqiiqiyo dib usoo xiristiisa.
Su’aalo badan Human Rights watch.
Human Rights Watch waxay qormada ku saabsan Cabdirashiid Janan ku soo bandhigtay su’aalo iyo Jawaabahooda macquulka ah.
Su’aalaha HRW Oo dhamaantood ah kuwo kaxariira Arimaha Janan ayaa waxaa kamid ah:-
Waligiis si rasmi ah dacwad ma loogu soo oogay? Maxay u jiri waysay tallaabo kale oo ay maxkamadda qaaddo, kaddib dhageysigii ugu horreeyay ee dacwaddiisa? Maxaa loogu hayay xabsi aan rasmi ahayn? Siduuse ku baxsaday?
Waxay hay’addu sheegtay in dhammaan su’aalahan ay u baahan yihiin baaritaan iyo jawaabo ku habboon.
Dowladda Soomalaiya wali wax war ah kama soo saarin hadalkan u dambeeyay ee ka sooo yeray hay’adda.
Jawaabaha macquulka u ah Soomaaliya
HRW ayaa sheegtay inay jiraan waddooyin u furan dowladda Soomaaliya, haddii ay dhab ka tahay inay maxkamadeyso dadka la eedeynayo sida Cabdirashiid Janan.
Sida ay qormadeeda ku sheegtay hay’addu, Sanadkii lasoo dhaafay, dowladda federaalka Soomaaliya waxay magaalada caasimadda ah ka abuurtay maxkamad iyo xabsi. Waxay ujeeddada loo dhisay ahayd in lagula tacaalo dadka loo heysto falalka la xiriira kooxda hubeysan ee al-Shabaab, kuwaasoo laga soo weecinayo maxkamadaha milatariga, loona soo wareejinayo kuwa rayidka.
Taageradii ugu horreysay ee dhinaca beesha caalamka waxaa diiradda lagu saaray dhismaha awood caddaaladeed oo lagu wajaho dambiyada la xiriira dhinaca amniga iyo sidoo kale tababarista howl-wadeennada.
Dhanka kalena, xafiiska Madaxa Caddaaladda ee Soomaaliya wuxuu fadhi ku sameystay maxkamadaha racfaanka iyo maxkamadaha heerka gobol, si uu dacwado ugu qaado dadka galay dambiyada waaweyn.
Iyadoo ay intaasi jirta ayaa HRW waxa ku talisay “sidii loo dhisi lahaa qeybo khaas ah, khibrad ku dhisantahay, oo qabilsanaada islamarkaana baaritaan ku sameeya, dacwadona kusoo ooga dadka lagu tuhmo dambiyada dagaal, kuwa ka dhanka ah bani’aadannimada iyo waliba tacaddiyada kaleba”
“Tani waxay wax lagu farxo u ahaan lahayd dhibbaneyaasha iyo qoysaskooda, kuwaasoo arki lahaa kuwa la tuhunsan yahay, sida Cadirashid Janan, oo ugu dambeyn caddaaladda la horkeenay”, ayay sii raacisay HRW.