COVID-19:-Mid kamid ah dadka uu kudhacay Caabuqa Coronaviru ayaa kasheekeeyay Bilaw ilaa dhamaad Qaabkii uu Cudurkaan u Saameeyay Waxa ayna Sheekadiisa kubilaabanaysaa Sidaan:-
(Tani waa sheekadayda kusaabsan CONVID19, Khaas ahaan waxaan kula hadlayaa dhalinyarada umalaysa Fayruskaan inuusan qatar badnayn.
Markii iigu horeysay waxaan dareemay caajis iyo jirkayga oo daciifa Maarso 8deedii, waxaan uqaatay inuu Hergab/ iska caadi ah yahay taasoo aan ka bogsan doono mardhow.
Wuxuu bilaabay inuu kasoo daro anigoo saaran bas una Socdo Niyuu yook siti (NYC).
Qandho/Xumad Daran, Feero xanuun, Dhidid, korkoo i danqada,Madax xanuun waali ah; waxaan iskala joogay Gurigayga mudo 5 maalin ah aniga oo wali u haysta kuna fikiraya inuu ihayo Hergab xumaaday.
Kadib maalintii 5 aad waxaan si deg deg ah uraadsaday gargaar caafimaad maxaa yeelay dhamaan calaamadihii aan isku arkay way kasii darayeen, markii uu dhakhtarku bilaabay inuu ibaaro waxaan noqday mid miir daboolmay/Suuxay waxaana la iigu wacay Ambulance🚑 waxaana layla cararay dhankaas iyo magaalada Mount Sinai. Laga bilaabo saacadaas waxaa laygu karantiilay Hal qol ah aniga kaligey, waxayn bilaabeen dhaqaatiirtu inay 4tii saacba mar ibaaraan ayagoon waxba ila socodsiinayn waxa aan qabo ama waxa iga qaldanba, Waxaan ahaa mid Gariiraya waxana dareemay sida inaan dhiman rabo oo kale, markay iga qaadeen dhiigag sankaygana kaqaadeen dheecaan si ay uga baaraan cudurka CONVID19 waxaan sugay ilaa 4saac subaxnimo, waxA dib laygu celiyay gurigayga 12 saac oo baaritaan ah kadib waxayna ifareen kaliya inaan qaato daawada Tylenol (xanuum baabi’iye)
Run ahaantii isbitaalada iyo Dowlada Maraykankaba uma aysan diyaarsaneen xaalad noocaan oo kale ah, sidaas daraadeed aniga kuma talinayo in laysku haleeyo isbitaalada iyo xarumaha caafimaad.
4 maalin kadib baaritaanadii waxaa la iikeenay jawaabtii baaritaanada waxayna iisheegeen in layga Helay cudurka CONVID19, walina calaamadihii sidoodii ayay ahaayeen kamana soo raynaynin, waxaan bilaabay inaan Qufaco Dhiig, Hada qandho ima hayso laakiin wali sifiican uma neefsan karo gabi ahaanba waxa sambabadayda ku saaqay Fayruska corona.
Wali ma aaanan ka caafimaadin cudurkii CONVID19 waxaana gali rabaa qolka gargaarka deg dega ah dhiig la aanta igu soo siyaaday darteed.
(Dhaqaatiirta iyo howl wadeenada caafimaad wax fikir ah kama haystaan sida loola tacaali lahaa Fayruskaan waxay kaliya isku haleynayaan qofka jirkiisa inuu iska difaaco).
Fadlan lawadaaga si ay dad badani u ogaadaan inuusan cudurkaan ahayn mid yar, Masuuliyad isasaar Gurigaagana joog, marabo inuu maro qofkale dhibka aan anigu maray. Nabad ahow
#muslimoftheworld.
Turjumay: Harun Jabaan.