Tuesday, March 18, 2025
HomeWararWasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Shaacisay Kiisas cusub oo COVI-19 ah

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Shaacisay Kiisas cusub oo COVI-19 ah

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in ay Cudurka Corona ka bogsadeen 5 Qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee Dadka ka ladnaaday ka dhigeysa 1,457.

Marwo, Fowziya ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 8 xaaladoood oo cusub, kuwaas oo 7 ka mid ah ay ku sugan yihiin Somaliland, halka Qofka kalana uu joogo Muqdisho, taas oo tirada guud ee Dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 3,119.

Bukaannada cusub ayay Wasiiraddu ku sheegtay 6 Rag ah iyo Labo Dumar ah, mana jirto 24-kii Saac ee ugu dambeeyay Dad Soomaaliya gudaheeda ugu geeriyooday Cudurka COVID-19.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe