Tuesday, March 18, 2025
HomeWararWariye Qoslaaye Oo Xalay Ku Geeriyooday Muqdisho.

Wariye Qoslaaye Oo Xalay Ku Geeriyooday Muqdisho.

Ala Ha U Naxariistee waxaa xalay Muqdisho ku geeriyooday Wariye C/risaaq aadan Qoslaaye oo kamid ahaa Wariyayaasha ka howlgala Magaaladda Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Eheladiisa, wariyaha ayaa waxaa xalay kusoo booday xanuun kadis ah oo waxaa ku dhagtay Neefta,waxaana la dhigay isbitaalka Digfeer halkaas oo abaare 03:00PM uu ku geeriyooday.

Wariye C/risaaq aadan Qoslaaye ayaa kamid ahaa wariyaasha sida weyn loogu yaqaanay Saxaafadda wuxuuna ka howlgali jiray Tv Kalsan xaruntiisa Magaaladda muqdisho.

Sidoo kale waxa uu kasoo shaqeeyay idaacaddo ka howlgalo Magaaladda Muqdisho iyo Goboladda dalka Soomaaliya.
maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Magaaladda Muqdisho.

Dhammaan Hawl-wadeena Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Waxa Ay Tacsi U Dirayaan Ehelada Iyo Saaxiibadii Uu ka Baxay Wariye C/risaaq aadan Qoslaaye

Inaa Lilaahi Waa Innaa Ileyhi raajicuun

Inaa Lilaahi Waa Innaa Ileyhi raajicuun

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe