Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ayhakisay Shalay oo sabti aheyd Qandaraasyo malaayiin Doollar ah oo baxay sanadihii la soo dhaafay.
Warkan ka soo baxay Taliska NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay in qandaraasyadan la hakiyay uu saxiixay Wasiirkii Hore Amniga, islamarkaana loo gudbiyay Hanti-dhoorka guud ee Qarank.
“Maanta, oo ah 3-da Nofembar 2018, NISA waxay hakisay una gudbisay Hanti-dhowrka guud ee Qaranka, qandaraasyo malaayiin doolar dhan, oo baxay sanadihii lasoo dhaafay, uuna saxiixay Wasiirkii hore ee amniga,si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso” ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay Hay’adda oo lagu baahiyay Barta Twitter-ka NISA.

