Waxaa maanta Maxkamada gobolka Banaadir lagu waddaa in lasoo taago Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah Tafaftiraha Warbaahinta Goobjoog Media Group.
Maxkamada gobolka Banaadir ayaa 7-dii bishaan aynu ku jirno ee Luulyo la hor keenay Wariye Gurbiye, Dib ayaana loo dhigay Maxkamadeyntiisa ka dib markii Qareenadda ay is horistaag ku sameeyeen
Qareenka u doodayay Wariyaha Daahir Carab ayaa sheegay in ay sameeyeen ishor istaag sharci ku saabsan dacwada loo heysto Wariye Gurbiyo ka dib markii ay caddeeyeen in aan loo adeegsan karin xeerka Ciqaabka Soomaaliyeed.