Home Dhageysi Tirada Dadka qaba Covid-19 guud ahaan Dunida oo gaaray 13-milyan

Tirada Dadka qaba Covid-19 guud ahaan Dunida oo gaaray 13-milyan

97

Guud ahaan dunida In kabadan 13-milyan oo qof ayaa la xaqiijiyay in hada ay qabaan Cudurka halista ah ee COVID-19  sida laga soo xigtay xogta ay soo aruurisay jaamacada Johns Hopkins.

Hay’ada Caafimaadka aduunka ee WHO ayaa ka digtay in mar kale cudurkaan uu noqon karo masiibo maadaama khatartiisa ay muuqato lana yareeyay cabsidii iyo feejignaantii laga muujinayay bilihii hore.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa u sheegay warfidiyeenka in xayiraadii la qaaday ee cudurka ay kasii dartay qaar ka mid ah dalalka Caalamka.

13 milyan oo qof oo ku kala nool  daafaha dunida ayuu sheegay in laga helay cudurka waxaana  u dhinteen ku dhawaad ​​572,000

5-ta Wadan ee ugu daran Xiligaa Corona ayaa kala ah:

United States – 3,361,042

Brazil – 1,884,967

India – 878,254

Russia – 732,547

Peru – 330,123