03-bishii Dece Sanadkii Tagay 2017-dii Sagaal Bil Ka Hor Ayey Aheyd Ka Dib Markii Madaxdweynaha Maamulka Gal-mudug Uu Magaalada Jabuuti Hreshiis Kula Saxiixday Hoggaamihii Maamulkii Gobollada Dhexe Ee Ahlu-sunna Wal-jameeca Kaas Oo Dhigayey In La Mideeyo Labada Maamul Ee Gal-mudug Iyo Ahlu-sunna.
Isla 06-dii Bishii Dece 2017 Xarunta Villa Soomaaliya Waxaa Ka Dhacay Saxiixa Dhameystirka HeshiiskaasiA� Oo Ay Goob Ahaayeen Madaxda Ugu Sareysa Dalka Oo Uu Ugu Horreeyo Madaxweyne Max’ed C/laahi Max’edA� Farmajo Hoggaamiyaasha Maamul Goboleedyada Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre Iyo Mas’uuliyiin Ka Socotay Hay’adda Qaramada Midoobay.
Sidoo Kale Munasabadda Saxiixa Ee Ka Dhacday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Ee Villa Soomaaliya Waxaa Goob Joog Ahaa Xildhibaano Ka Tirsan Labada Gole Ee Baarlamanka Dalka.
Qodobadii Lagu Heshiiyey Waxaa Ka Mid Ahaa In Sheekh Maxa��ed Shaakir Cali Xasan Oo Ahaa hoggaamiyaha Ahlu-sunna Laga Dhigo Madaxda Xukuumadda Gal-mudug Qodobada Kale Ee la isku Afgartay Waxaa Ka Mid Ahaa In la Isku Daro Labada Baarlamaan , In La Sameeyo Ciidan Isku Dhaf Ah Oo ka Socda Labada Maamul waa Gal-mudug Iyo Ahlu-sunnee sida Madasha Saxiixu ka Dhacay Laga Sheegay.
Hoggaamiyaha Daa��ada Ah Ee Gal-mudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Oo Isna Madasha ka Hadlay Ayaa Waxa Uu Sharraxaad Ka Bixiyey Aragtidiisa Ku Aadan Heshiiska Uu La Gaaray hoggaamiyaha Maamulka Gobollada Dhexe Ee Ahlu-sunna Isaga Oo Ku Cel-celiyey In Jagadiisa Uu Qaybiyey Isla-markaana Uu Qayb Ka Mid Ah Siiyey Sheekh Maxa��ed Shaakir Cali Xasan.
Wixii Intaasi ka Dambeeyey Heshiiska Gal-mudug Iyo Ahhlu-sunna Iyo Qodobada Lagu Heshiiyey Qaarkood Waxaa cabasho Xooggan ka Muujiyey Qaar ka Mid Beelaha Dega Gal-mudug Iyaga Oo Sheegay In Hoggaanka gal-mudug Uu Majo Habaabiyey Shacabka Iyo Dhismaha Maamulka Gal-mudug Intaba.
Meelihii Sida Aadka Ah Looga Dhaliilay Heshiiskaas Waxaa ka Mid Ah Magaalada Cadaado Ee Xarunta Baarlamanka Maamulka Gal-mudug Iyadoona Magalada Uu ka Dhacay Banaanbax Looga Soo Horjeedo Heshiiskaasi.
15-kii Bishii 1-aad Ee Sanadkaan 2018 Waxaa Magaalada Cadaado Soo gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxa��ed C/laahi Maxa��ed Farmaajo Iyagoona Wax-garadka Iyo Siyaasiyiinta Gal-mudug Ay Madaxweynaha U Gudbiyeen Cabashada Iyo Dhaliilasha Ay Ka Qabaan Heshiiska Ay Wada Gaareen Hoggaamiyaasha Maamullada Gal-mudug Iyo Ahlu-sunna.
Dhankiisa Madaxweynaha qaranka Mudane maxa��ed C/laahi Maxa��ed farmaajo Markii Uu dhageystay Dhaliilasha Iyo cabashada Ay qabaan Shacabka Reer Cadaado Waxa UuSheegay In Diyaar U Yahay Dhameynta Cabashadooda Isagoona Sheegay In Cadaado Uu Ku Shaqeyn Doono Baarlamanka maamulka Isla-markaana Ay tahay Xarunta Baarlamanka Maamulka Gal-mudug.
Xilligaas Dhammaan Shaacbka Reer Cadaado Waxa Ay U Muuqdeen Kuwa Ku Qanacsan Goa��aanka Madaxweynaha Soomaliya Oo Waxaa Ku Jirtay Rajo Ah In Baarlamaanka isku Dhafka Ah Uu Ku Shaqeyn Doono Magaalada cadaado.
Waxay arrintu Sidaas Ahaaba 18-1-aad Ee Isla- Sanadkaan 2018 Waxaa magaalada Dhuusa-mareeb ka Dhacday Munaasabad lagu Dhameystirayey heshiiskii Horay Hoggaamiyaasha Maamullada gal-mudug Iyo Ahlu-sunna Ugu Soo Gaareen Wadanka Jabuuti Saxiixisuna Uu ka Dhacay Villa Soomaaliya.
Dhameystirkaasi Ka Dib Waxaa Soo badanayey Dhaliilaha Cabashada Iyo Eedeymaha Ay wax-garadka Iyo Siyaasiyiinta Kasoo Jeedda Deeganada Gal-mudug Ay U Jeedinayaan Madaxda Ugu Sareysa Maamulka Gal-mudug iyaga Oo Ku Dhaliilayey In Heshiiskaasi Aan Laga Tala-gelin Beelaha Dhistay Maamulka Gal-mudug.
Intaasi Wixii Ka Dambeeyey Sidoo kale Waxa Uu Khilaaf Soo kala Dhex-galay Madaxda Sare Ee Maamulkii Hore Ee gal-mudug Sida Madaxweynaha Ku Xigeenka Iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Maamulka Gal-mudug Cali Gacal Casir Khilaafkaas Oo Salka Ku Hayey isla Heshiiskaas Lala galay Ahlu-sunna.
Dawladda Soomaaliya Waxa Billawday Dadaallo Ay Ku Dooneyso In Ay Xal Kama Dambeys Ah Uga Gaarto Khilaafka Hareeyey Madaxda Sare Ee Gal-mudug Balse dadaalkaas Waxba kama Soo Naasa Cadaan Oo Waxa Uu Noqday Hal Bacaad lagu lisay.
26-kii Bishii 5-aad Madxweyne Ku Xigeenka maamulka Gal-mudug Maxa��ed Xaashi Cabdi Iyio Guddoomiyaha Baarlamanka Mudane Cali Gacal casir Oo Kasoo Degay Gegida Diyaaradaha Magaalada Cadaado kana Yimid Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya Ayaa Waxa Ay Ka Hadleen Khilaafka Kala Dhaxeeya Hoggaamiyaha Maamulka Axmed Ducaalle geelle Xaaf Kaas Oo Ay Sheegeen In Uu Baalmaray Qodobo Heshiiska Ku Jiray Oo La Isla Ogaa Waakan Maxa��ed Xaasi cabdi Madaxweyne Ku Xigeenka Gal-mudug.
Durba Hadalkaas Waxaa Ka Jawaabay Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Oo War-baahinta Kula Hadlay Gudaha Magaalada dhuusa-mareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-gaduud Isagoo Khilaafka Ku Eedeyey In Ay Dabada Ka Riixeyso Dawladda Dhexe Ee Dalka.
Isku Soo wada Duub Tan Markii Uu Dhacay Heshiiska Lagu Mideynayey Maamullada Gal-mudug Iyo ahlu-sunna 03-06-2017 Sagaal bil Ka Hor Ayaanan Waxaa Muuqaan Horumaro ballaaran Iyo Guulo wax ku Ool Ah Oo usoo Hoyday Madaxda Iyo shacab Weynaha Deegaanada Maamulka Gal-mudug.
Sidoo Kale Weli Waxaa Muuqata In Uu Jiro Khilaafka U Dhaxeeya Madaxda Sare Ee Maamulka Gal-mudug Oo Haatanba Aan La Heyn Xarun Rasmi Ah Oo Ay Ku Shaqeeyaan Madaxweyne Xaaf waxa Uu Ku Sugan Yahay Magaalada dhuusa-mareeb Ku Xigeenkiisa Maaxa��ed Xasahi cabdi Iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Gal-mudugna Waxa Ay Intaba Badan Ku Sugan Yihiin Gudaha Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho Lamana Oga halka Uu Ku dameyn Doono Iyo Meesha uu Sal Dhigan Doono Khilaafka Madaxda Gal-mudug Inkastoo Haatan Isku Soo Dhawaansho Ay Jirto Sida Ay Sheegeen Xubno Ka Tirsan Hoggaanka SareEe Gal-mudug.