Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa la sheegay inuu dowladda Itoobiya ka dalbaday taageero dhinaca milatariga ah, kaddib kulan uu magaalada Baydhabo kula yeeshay saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.
Warbaahinta Addis Standard iyo warbaahinno kale ayaa baahiyey in kulanka uu diiradda ku saarnaa xaaladda amni ee magaalada Baydhabo iyo xiisadda u dhexeysa maamulka uu hoggaamiyo Aadan Madoobe iyo xoogagga taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Warbixinnada ayaa sheegaya in Aadan Madoobe uu saraakiisha Itoobiya kala hadlay sidii loo xoojin lahaa amniga Baydhabo, loogana hortagi lahaa weerarro ay soo qaadaan ciidamada taageersan Lafta-gareen, kuwaas oo la sheegay inay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Bay.
Kulanka Aadan Madoobe iyo saraakiisha Itoobiya ayaa ku soo aadaya xilli ay Koonfur Galbeed ka jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeysa dhinacyada taageersan hoggaanka hadda jira iyo xoogagga daacadda u ah Lafta-gareen.
Itoobiya ayaa ciidamo ku leh qaybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo ciidamadeedu qayb ka yihiin dadaallada amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Dhanka kale, Aadan Madoobe ayaa guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni, xoojinta sugidda amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada maamulka.
Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah looga hadlay muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loola socdo xaaladaha amni, lana xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo qaybaha kale ee ku shaqada leh ilaalinta nabadgelyada.
Aadan Madoobe ayaa ku adkeeyey hay’adaha amniga inay sii laba-jibbaaraan dadaallada lagu sugayo nabadgelyada, isaga oo sheegay in ilaalinta shacabka iyo hantidoodu ay tahay masuuliyad mudnaan gaar ah u leh maamulka.
Shirka ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Koonfur Galbeed uu ku doonayo inuu ku xoojiyo amniga, isla markaana uu kaga jawaabo caqabadaha amni ee ka jira deegaannada maamulka.
Baydhabo ayaa ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed, waxaana magaalada iyo deegaannada ku dhow ay muddooyinkii dambe wajahayeen xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la xiriira khilaafka u dhexeeya Aadan Madoobe iyo Lafta-gareen.
Wararka ku saabsan codsiga taageerada milatari ee Itoobiya ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka Aadan Madoobe uu isku dayayo inuu xoojiyo difaaca magaalada iyo awoodda hay’adihiisa amniga.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya in dowladda Itoobiya ay oggolaatay codsiga taageero milatari ama ay qaadi doonto tallaabo cusub oo dhinaca ciidanka ah. Sidoo kale, lama shaacin faahfaahinta heshiis ama qorshe ciidan oo ka dhashay kulanka.
Xaaladda ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo indhaha lagu hayo mowqifka Itoobiya iyo tallaabooyinka ay qaadaan dhinacyada siyaasadeed iyo kuwa milatari ee isku haya hoggaanka Koonfur Galbeed.

