Sunday, April 19, 2026
HomeWararWararkii ugu Danbeeyay Dagaal Dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Alshabaab.

Wararkii ugu Danbeeyay Dagaal Dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Alshabaab.

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo xoogag ka tiran ururka Al-shabaab ku dhexmaray deegaan hoostaga degamada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tiran Shabaab ay weerareen fariisin ciidanka dowladda ay ku lahaayeen halkaasi.

Labada dhinac ayaa waxa ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu ahaa mid culus oo deegaano gobolka ka tirsan laga maqlayo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay iska caabiyeenraggii weerarka soo qaaday, waxayna tilmaameen in ay khasaare gaarsiiyeen Shabaabka.

Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ee Internet-ka, ayaa waxa ay ku sheegteen  weerarkan in ay geysteen rag iyaga ka tirsan, ayna ku dileen ilaa Saddex askari, kana qaateen qoryihii ay lahaayeen iyo mooto ay ateen.

Laba habeen kahor Shabaab ayaa sidan oo kale u weeraray degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana dhacay dagaal geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo rayid.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe