Kulan ay Madaxtooyada Soomaaliland ee  hargeysa Maanta ku yeesheen Xubnaha Golaha Wasiirada Maamulkaas ayaa waxa ay kaga hadleen arrimaha amniga gaar ahaan xaalada deegaanka Tukaraq.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi,waxana lagaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan amniga, iyo horumarka Soomaaliland.
Qodobada ugu muhiimsanaa ayaa waxa ka mid ahaa xaaladda xuduudaha bariga Soomaaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay weerarro kaga imanayeen maamulka Soomaaliya, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed laga soo saaray shirkaas.


