Faahfaahino dheeraada ayaa ka soo baxaya Gabar wariye ah oo Goordhaweed dhaawac loogu geystay Magaalada Muqdisho.
Nin hubeysan ayaa wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska Dabka ku dhaawacay Wariye ka tirsan TV-ga warbaahinta dowladda, taasi oo lagu magacaabo Farxiyo Mire.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay ka hor inta aan la dhaawicin wariyaha iyo ninka hubeysan in ay murmeen, kadibna ayxigtay inuu rasaas ku furo gabadha.
Wariye Farxiyo Mire ayaa waxaa la sheegay in laba xabdood lagu dhuftay, kuwaasi oo kaga kala dhacay qoorta iyo lugta, waxaana dhaawaceeda la dhigay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay ninka falkaasi geystay, hadana ay ku socdaan baaritaano.
Ururada saxaafadda u dooda ayaa durba cambaareeyay falkan, waxayna Hay’adaha ammaanka ka dalbadeen in falkan ay baaris dheeraad ah ku sameeyaan, si isla xisaabtan uu u dhaco.
Xigasho Risaala: