Galinkii Danbe ee shalay waxaa Magaalad Dhuusa-mareeb ka dagay Ra’iisul wasaare khayre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo hordhac u ahaa Wafdiga MD Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo eek u wajahan Magaalada Dhuusa-mareeb.
Ra’iisul wasaaraha ayaa inta uu ku sugnaa Caasimada Galmudug kulamo waxa uu la qaatay Qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada waxaan xogo warqaad uu helayo ay sheegayaan in kulamadaan oo hordhac u ahaa Shirka Amniga qaranka la isku soo dhaweeyay Arimo gundhig u ah Siyaasada dalka Sida Doorashooyinka oo xiligaan ah siyaasada ugu adage e dalka kajirta.
Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa dhamaantood Muujiyay Dabacsanaan siyaasadeed iyo isku tanaasulaad iyada oo meelaha qaar wax yaabaha la is ku qabto Madaxda ay ka tanaasulayeen.
Waxaa Kulamada Xalayt ilaa iyo Saaka ka socda Dhuusa-mareeb la sheegay in Guulaha laga gaaray ay qayb ka aheed in la isku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe iyo DFS waxaana Khayre iyo Madoobe ay isla qaateen in ladhameeyo kala aragti duwanaanta siyaasadeed iyo is diidada ka dhaxaysa 2da Dhinac.
Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankiisa tagaya Caasimada Galmudug si uu kulamo ula qaato Madaxda Maamul goboleedyada oo Golahiisu uu ku matalo DFS.
Dhanka kale waxaa Caasimada Galmudug ku wajahan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo qaban qaabada soo dhaweyntiisa ayaana halkaasi ka socoto sida Galmudug ay xaqiijisay.
Wasiirka War-faafinta Galmudug Axmed Shire (Falagle) oo la hadlay war-baahinta ayaa sheegay in qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ay haatan ka socoto deegaanada Galmudug, gaar ahaan gudaha magaalada Dhuusamareeb.
Wasiirka ayaa xusay in madaxweynaha uu ka qeyb-galayo wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb, kaas oo uu tilmaamay inuu furmi doono marka laga soo laabto aaska ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo ka dhacaya Garoowe.
Ma shaacin wasiirka warfaafinta Galmudug waqtiga rasmiga ah ee uu bilaabanayo shirka, balse wuxuu carabka ku dhuftay inuu dhici doono waqtiga ugu dhow.
Ammaanka ayuu sidoo kale sheegay in aad loo adkeeyey, islamarkaana ay  diyaar garow xoogan wadaan ciidamada ammaanka Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale ilo Xog ogaal ah oo ka tirsan Xaafiiska MD Farmaajo ayaa Warqaad u Xaqiijiyay in Saacadaha soo socda qorshaha uu yahay in ay Gaaraan Dhuusa-mareeb wafdi hor dhac u ah Madaxweyne Farmaajo.
Shirka Dhuusamareeb ee u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda adag ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo doorashooyinka dhacaya dhammaadka sanadkan 2020 illaa 2021.